Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka kasocda deegaanka Camaara ee gobolka Mudug

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka kasocda deegaanka Camaara ee gobolka Mudug

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidanka Milateriga Soomaaliya, Ciidanka Maamulka Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii Ciidamada Milateriga iyo kuwa Galmudug ay weerar ku qaadeen deegaanka Camaara oo saldhig u ahaa Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada dagaalka qeybta ka ah uu hoggaaminayo Jen. Saadaq John Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in dhowaan Madaxweynaha Galmudug u magacaabay inuu hoggaamiyo howlgalada ka socda deegaanada Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa laga soo xigtay inay ku dhow yihiin deegaanka Camaara, ayna qorsheynayaan in waqtiyada soo socda la wareegaan.

Dagaalka ayaa ka socda deegaan lagu magacaabo Godad oo illaa 15KM u jirta deegaanka Camaara.

Ciidanka Milateriga Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa muddo todobaad ah howlgallo ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, iyagoo la wareegay degmada Bacaadweyn iyo deegaano kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com