HomeUncategorized

Wafti reer Puntland ah oo ku hawlan dhidibbo u adkaynta nabadda Gaalkacyo

Caption ...

DHEGEYSO Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Heshiiskii Madaxweyne Gaas iyo G. Gobolka Barri Gallan. Oct 28 2016
Kulan koonfurta Gaalkacyo ay ku yeesheen Galmudug iyo ASWJ.
Nin la Sheegay in uu Al-shabaab la Shaqaynayay oo Kenya Maxkamad lagu soo taagay

Gaalkacyo, 17 Oct- Wafti ka kooban wasiirro, xildhibaanno, iyo saraakiil, oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, isla markaana kaashanaya madax dhaqameedka ku hawlan colaaddii Gaalkacyo kuna sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ku guda jira wadahadalladii ugu dambeeyey ee nabad ku dabbalidda colaaddii Gaalkacyo ee horraantii September.

Wasiirka cadaaladda Puntland Khaliif Ajaayo oo ka mid ah waftigan una warramay idaacadda Daljir ayaa sheegey in ay la kulmeen qaybo ka mid ah shacabka xaafadda Garsoor, isla markaana ay imika ay naawilayaan imaanshaha duqay ka soo socdaalay degmada Goldogob, kuwaas oo ku biiraya dadaallada ugu dambeeya ee dhidibbo u adkaynta nabadda Gaalkacyo.

Wasiirka Cadaaladda ee Puntland waxa uu sheegey in hore xaafadda Garsoor loogu dilay inta u dhaxaysa 4 illaa 8 qof, isla markaana ay haatan mudantahay in hadda kaddib si cilmiyaysan loo dabagalo dhacdooyinka noocaas ah si aanay mar kale u dhicin, la iskana kaashado.

Ajaayo ayaa hannaan wacan ku tilmaamay sida shacabka ay la kulmeen ee xaafadda Garsoor ay nabadda iyo samaha u danaynayaan.

Diiwaan wareedka Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: