Kulan koonfurta Gaalkacyo ay ku yeesheen Galmudug iyo ASWJ.

Gaalkacyo, Jan, 06- Waxaa illaa iyo shalay koonfurta Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Galmudug ka soconayay kulamo ay yeelanayeen masuuliyiinta Galmudug iyo saraakiil ka socday Ehlu sunna waljamaaca ee gobolada dhexe.


Wafdiga ka socda ASWJ oo shalay soo gaaray koonfurta Gaalkacyo ayaa maamulka Galmudug waxaa ay isla gorfeeyeen qaabka ugu habboon ee loo midayn karo Galmudug iyo Ehlu sunna, iyadoo kulankii maanta oo ahaa wajigii labaad ay isla jeexjeexeen qodobada labada dhinac ay kala wataan.


M/weynaha Galmudug Gen, Cabdi Xasan Cawaale ayaa maanta xubnahaasi ku qaabilay xarunta maamulkiisa, waxaana intaasi ka dib laga wada hadlay qaabka loo gudo gali kara midaynta labadaasi maamul.


Wafdiga ASWJ ayaa dhanka kale isla maantaba la kulmay qaybaha bulshada ee Galmudug oo ay u sharaxeen ujeedkooda imaatin iyo sida ay ugu faraxsan yihiin inay soo booqdaan deegaanka Galmudug.

Axmed Maxamed Baasto wasiirka warfaafinta ayaa maanta waraysi uu siiyay daljir waxaa uu ku sheegay in qorshahan la damacsan yahay in lagu mideeyo Galmudug iyo Ehlu sunna walajaamaca aysan ka war qabin dawladda Federaalka ee Soomaaliya hase ahaatee ay ixtaraamayaan.


Warar kale oo ka imaanaya degmada Cadaado ee Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya inuusan maamulkaasi ku faraxsanayn midoobidda Galmudug iyo ASWJ.


Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S).

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com