Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Hiirshabeele oo gaaray Baladweyne (dhegayso)

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Hiirshabeele oo gaaray Baladweyne (dhegayso)

Wafdiigan waxaa qeyb ka ah Xubno ka socda Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee ASSF,waxaana ay Magaalada u tageen in ay la kulmaan Ganacsatada iyo Dadka degaanka ee ay dhibaatada ka heysato shilinka Soomaaliyaga oo ka joogsaday Madaalada Baladweyne.

Wafddigan waxaa Magaalada ku qaabilay Madaxda Maamulka Gobolka iyo Degmada Baladweyne oo ay ka midyihiin,Guudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Xuseen Muumin Cismaan,Guudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow,Guudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyada degmada Baladweyne, khadar Xassan Afrax, iyo Xubno kale.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay in sidoo kale ay magaalada u tageen qaabka loo fulin karo Mashaariic uu Madaxweynaha Maamulkaasi kaga dhawaaqay Gobolka Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com