Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqday magaalada Xudur

HomeWararka

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqday magaalada Xudur

Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale oo samafalka iyo arrimaha gargaarka bani aadanimada ayaa booqday markii ugu horeysay sanooyin

Shir Looga Arrinsanayey Doorashooyinka Puntland oo Garoowe Lagu Soo Gabagabeeyey (dhegayso)
Deeqo Afro: “Hanjabad la iigaystay darteed ayaan muuqalka u duubay hadana raaligalin baan ka bixinayaa (daawo)
Maamulka Galmudug oo la Saftay Sucuudiga Xirirkana u Jaray Qadar (Akhriso)

Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale oo samafalka iyo arrimaha gargaarka bani aadanimada ayaa booqday markii ugu horeysay sanooyin kadib magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Wafdiga ayaa kormeerey xeryaha barakacyaasha ee ku yaala magaalada Xudur, halkaas oo ay ku nool yihiin kumanaan shacab ah oo Alshabaab ka soo barakiciyeen tuulooyinkooda.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koofur Galbeed, Cabdinaasir Cali Caruush ayaa wafdigan waxa uu ka siiyay warbixino la xiriira xaalada ay ku nool yihiin dadka barkacayaasha ah.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa booqday qaar kamid ah suuqyada magaalada Xuddur oo xilligan gabaabsi ka yihiin cuntooyinka quutul daruuriga ah,iyadoo magaalada Xudur ay go’odoon ku jirto muddo ka badan toban sano.

Saraakiishan ka socota Qaramada Midoobay ayaa waxa ay la kulmeen maamulada degmooyinka Xuddur, Tayeglow iyo Rabdhuure, waxayna uga wada hadleen xaaladaha amni iyo tan bani’aadanimo ee ka jirta degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Bakool.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: