Somaliland & Taiwan oo heshiis kala saxiixday

Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay u soo dirayso hawlwadeeno caafimaad Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland.

Qorshahan ayaa qayb ka ah heshiiska iskaashiga caafimaadka ee Taiwan iyo Somaliland qalinka ku duugay Arbacadii, sida lagu sheegay bayaanka, oo la soo saaray xafladda saxiixa ka dib.

Howlwadeenada ayaa la geyn doonaa Isbitaal ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa si loo siiyo tababaro shaqaalaha caafimaadka ee maxalliga ah isla markaana gacan looga geysto kor u qaadista awoodda daryeelka caafimaad ee dhulkaas, ayaa lagu yiri qoraalka

Heshiiska “wuxuu awood u siinayaa saaxiibkeenna iyo bahwadaageenna inay kor u qaadaan awoodda adeegyada daryeelka caafimaadka ee ay ka faa’iideysanayaan dadka,” ayay Wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan ku sheegtay barta Twitter-ka isla maalintaas.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan Joseph ayaa sheegay in Iskaashiga caafimaadka uu muhiimka u yahay labada dhinac, xilli uu ka hadlayay munaasabadda saxiixa heshiiska.

Waxa uu xusay in Taiwan ay bilowday barnaamij wax looga qabanayo heerka sare ee dhimashada haweenka uurka leh iyo dhallaanka ku dhashay Somaliland ka dib markii ay labadoodu saxiixeen heshiis sanadkii tegay ee 2020 ah, kaas oo lagu horumarinayo xiriirka labada dhinac.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com