Wafdi ka socda Jabuuti oo Baydhabo ku soo wajahan

Wafdi ka socda Jabuuti oo Baydhabo ku soo wajahan

Guddoomiyaha golaha Shacbiga Soomaaliya iyo dhiggiisa Jabuuti ayaa goor dhow ku beegan magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ay wadajir uga qeyb galayaan furitaanka kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed.Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo kaddib u sii gudbi doona magaalada Baydhabo.

Booqashada Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qayb geli doona Kalfadhiyada Baarlamaanada Federaalka Soomaaliya iyo kan Koofur Galbeed oo todobaadkan furmaya,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com