Wafdi ka socda dowladda Somaaliya oo Baladweyne gaaray

HomeWararka

Wafdi ka socda dowladda Somaaliya oo Baladweyne gaaray

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo siihaayaha xilka Wasiir ku xigeenka Wasaarada duulista iyo h

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (daawo)
Booliska Boosaaso oo Gacanta ku dhigay Koox dhac geystay (daawo)
Maciishaddii Magaalada Boosaaso oo La-goyn Waayey (dhegayso)

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo siihaayaha xilka Wasiir ku xigeenka Wasaarada duulista iyo hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa kormeer indha-indheyn ah ku sameeyeen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne oo ay ka socdeen Shaqooyin kala duwan maadaama duulimaadyada Gudaha Soomaaliya la furay.

Sidoo kale Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Hay’adda Duulista Raydika Axmed Macalin Xasan, Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada HirSshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Socdalka Wafdiga socda Dowladda Soomaaliya ee Beledweyne ayaa lagu sheegay in uu ku saabsan yahay habeeynta iyo dhismaha Garoonka Ugaas Khaalif iyada oo Garoonka loo tababari doono Shaqaale Xirfadeysan oo ka shaqeyn doono Garoonka.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa Xubnaha wafdiga lagu wadaa inay kulamo kala duwan la qaataan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Beledweyne.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: