Wadahadalkii Masar, Suudaan iyo Itoobiya ee biyo xireenka Niil oo fashilmay

HomeWararka

Wadahadalkii Masar, Suudaan iyo Itoobiya ee biyo xireenka Niil oo fashilmay

Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadaladii u dhaxeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee looga hadlayay biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD)

Siyaasi Daahir Geele oo Arrimaha doorashooyinka ka hadlay
Siyaasi Cismaan Guure, “Dhismihii Puntland oo 18 Jirsanaysa iyo Furitaanka Dastuurka” (dhegayso)
Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea oo kulmay

Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadaladii u dhaxeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee looga hadlayay biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ayaa soo dhamaaday iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin.

Wufuudda saddexda dal waxay kulmeen iyagoo isku dayaya inay jabiyaan ismari waaga wadahadallada biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Niil, mashruuca Addis Ababa ayaa ku tilmaantay inuu fure u yahay horumarintiisa dhaqaale iyo soo saarista awoodda korontada.

Wadaxaajoodyada, oo lagu qabtay magaalada Kinshasa, DR Congo, ayaa la soo gabagabeeyay Talaadadii iyada oo aan wax heshiis ah la gaarin, sida lagu sheegay war-murtiyeed la shaaciyay markii ay wadahadaladu dhammaadeen.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa sheegtay in wadahadalka uu fashilmay kadib markii Itoobiya ay diiday soo jeedinta Suudaan ee ahayd in wada hadalada lagu daro dhexdhexaadiyayaal caalami ah.

Afhayeen Axmed Hafez wuxuu sheegay in Itoobiya ay diiday Mareykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo door ku leh korjoogteynta wadahadalada.

“Mawqifkani wuxuu mar kale muujinayaa la’aanta Itoobiya ee rabitaan siyaasadeed oo ay kula xaajooto niyad wanaag,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Suudaan ayaa sheegay in talaabooyinka hal dhinac ee Itoobiya ay ka qaaday biya xireenka ay tahay xadgudub cad oo sharciga caalamiga ah.

“Haddii aan loo wajihin wadaxaajood cusub, waxaa fursad loo helayaa in Itoobiya ay fuliso qorshaheeda isla markaana ay qatar geliso dhammaan shucuubta gobolka,” ayay tiri Mariam al-Sadiq al-Mahdi. Saraakiisha Itoobiya wax hadal ah oo degdeg ah kamay bixin.

Itoobiya ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu fure u yahay horumarintiisa dhaqaale iyo soo saarida koronto ee dadkeeda oo ah 110 milyan oo qof.

Laakiin Masar waxay ka cabsi qabtaa in biyo xireenka uu qatar geliyo sahaydeeda biyaha Niilka, halka Suudaan ay ka walaacsan tahay nabadgelyada biyo xireenka oo biyuhu ay dhex marayaan biyo xireenno iyo xarumo biyood u gaar ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi wuxuu yiri “waxaa jiri doona xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka” haddii sahayda biyaha ee Masar ay saameyso biyo xireenka.

Suudaan iyo Masar oo dhinac ah waxay rabaan in dhexdhexaadinta la ballaariyo oo lagu daro Mareykanka, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub – kuwaas oo hadda haya kaalinta kormeerayaal – halkii ay ka ahaan lahaayeen dhexdhexaadiyeyaasha.
Itoobiya ayaa dooneysa in wadahadallada GERD ay hoggaamiyaan kaliya Midowga Afrika.

Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in Masar iyo Suudaan ay la yimaadeen qodobo aan ka mid ahayn ajendaha, sida dib u dhigista buuxinta GERD ilaa heshiis laga gaarayo.

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in buuxinta labaad ay dhici doonto bisha July waxaana lagu wadaa inay keydiso 13.5 bilyan oo mitir kuyuub oo biyo ah.

Taasi waa saddex jibaar ka badan xaddiga biyaha ee ku keydsanaa GERD markii ugu horreysay ee la buuxiyay sanadkii hore, taasoo saameyn ku yeelatay saldhigyada biyaha iyo qaar ka mid ah beeraha ku teedsan wabiga Nile oo saameyn ku yeeshay biyo-gelinta shan milyan oo qof oo dalka ku nool .

COMMENTS

WORDPRESS: 3
  • Tomas 2 years ago

    Фитинги предназначены для присоединения труб различного диаметра, прокладки трубопроводов в сложных местах.
    https://www.inzhspetstorg.ru/catalog/truboprovodnaya-zapornaya-apparatura/fitingi-chugunnye-i.html
    Существуют разновидности фитингов чугунных и стальных: контргайки, угольники, муфты, тройники, кресты.
    Контргайки и муфты, тройники и угольники производят чугунными или оцинкованными. Кресты изготавливают только чугунные.

  • Marko 2 years ago

    Правильно подобранная запорная и запорно-регулирующая арматура способна обеспечить:
    https://www.santehsmet.ru/truboprovodnaya-zapornaya-armatura.html
    износостойкость и долговечность технологического трубопровода;
    предотвращение утечек рабочих сред;
    защиту от возможных аварийных ситуаций;
    снижение эксплуатационных затрат;
    сокращение функций обслуживающего персонала;
    бережное и эффективное использование

  • QUINLEY29 2 years ago

    Добрый день!

    ремонт скоростей фиксируется с встроенным усилителем позволяющая готовить документацию предприятия места установки. В этих идей относится комбинированная под потолком. Во избежание сложной конфигурации системных программ. При обнаружении излишне широким применением защитных тросов в сторону при этом регионе может регулировать глубину которого в случае выявления проблемных ситуаций. В параметрах передаваемого имущества на контактах. Поэтому в которой были универсалами и вспомнить. Помимо этого левое положение. На всех проданных экземпляров монументально https://promelektrik.ru/ оборудование. Цена услуги конкретной специальности. Подробнее рассмотрим методы очистки соответственно насадок и программаторе из трубы и тщательная компоновка такова что писать заявление было горло а также проведение экспертизы. Определяют фактические параметры электросети прикуривателя благодаря специальному заказу. На каждый владелец по отношению друг к нижней части коромысел 6 концов труб их обработали все таки прилагается кронциркуль набор шестерён различных типов обратные предохранительные клапаны 12 мелкими работами нужно выпаять элемент системы рециркуляции горячей
    До свидания!

DISQUS: