Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea oo kulmay

Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea oo kulmay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo maanta gaaray magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Kulanka albaabada u xirnaa oo saacado badan ayaa qaatay ayaa labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo quseeya xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo nabadda Geeska Afrika.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa waxay ku faah faahiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax ayaa sheegay in Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu u soo diray Hargeysa, si ay wax badan uga ogaadaan Xaalada Somaliland, isla markaana qiimeyn gaar ah uga sameeyaan.

Mr Cusmaan Saalax ayaa sheegay in marka ay dib ugu laabtaan Eritrea ay uga warbixin doonaan Madaxweyne Isaias Afwerki wixii ay ku soo arkeen Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ay ka wada hadleen sidii ay isu kaashan lahaayeen iyo xiriirka dalalka Geeska Afrika, ayna labada dal wadashaqeyn u dhex mari laheyd.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com