Maxaa looga hadlayaa shirka maanta ee madaxda DFS iyo Dowladd Goboleedyada?

HomeWararka

Maxaa looga hadlayaa shirka maanta ee madaxda DFS iyo Dowladd Goboleedyada?

Teendhada Afisyooni ee xerada ciidamada cirka Soomaaliya waxaa goor dhawayd ka furmay shirkii u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Ururka ONLF
Warka Fiidnimo iyo Cabdinaasir Ibraahin Maxamed (dhegayso)
Laftagreen oo sheegay in dilalkii ka dhacay Baydhabo ay ciidamo qeyb ka ahaayeen

Teendhada Afisyooni ee xerada ciidamada cirka Soomaaliya waxaa goor dhawayd ka furmay shirkii u dhaxeeya DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, dhammaan madaxda ayaa goobjoog ah oo shirka ku jira.

Shirka ayaa shalay dib u dhacay, sababo la xiriira safarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ku tagay Dhuusamareeb, inkastoo gelinkii dambe ee shalay uu dib u soo laabtay.

Qodobada la isku mari la’yahay ayaa ku saabsanaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay rajo ah in shirka maanta is faham laga gaari doon .

Beesha Caalamka ayaa waday dadaalo iyo cadaadis Madaxda ku saareysay in shirka lagu heshiiyo, isla markaana Madaxda xal ka gaaraan ajandaha shirka, si dalka doorasho loo gaarsiiyo.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ee Madaxda shirsanaayeen ayaa wax horumar ah laga sameyn, iyadoo ay jireen faro isku taag taag iyo hadalo kulul oo Madaxdu is weydaarsanayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka biya diidanaa shuruudo ka imaanayay Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in Madaxweynuhu saxiixo warqada xil gaarsiinta, awooddana ku wareejiyo Xukuumadda, sidoo kale shirka laga qeyb geliyo saamileyda siyaasadda, amniga doorashada iyo in tallaab laga qaado taliyeyaashii ku lugta lahaa wixii dhacay 19 February.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: