Wacaal Darey ah: Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegtay Hoteel Afriik

Wacaal Darey ah: Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegtay Hoteel Afriik

Gaari laga soo buuxiyya waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka hore Hoteelka Afriik oo ku yaalla Wadada Aada Garoonka Diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Qaraxa kadib dablay hubaysan ayaa gudaha ugashay Hotelka.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lagusoo warinaya in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray goobta, waxaana ay bilaabeen in ay la dagaallamaan kooxda weerartay Hoteelka oo wali ka dagaalamaysa.

Hoteelka Afrik ayaa ku yaalla goob si weyn loo ilaaliyo ammankeeda, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga maqlaya rasaas xoog leh.

Daljir kala soco Faahfaahinta.

Diiwaanka wararka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com