Maxay ka wadahadleen James Swan iyo Axmed Madoobe? (daawo)

Maxay ka wadahadleen James Swan iyo Axmed Madoobe? (daawo)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey.

“Dowlada Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay”

James Swan ayaa dhankiisa boggaadiyay tallaabaddii Jubbaland iyo Puntland ay qaadeen ee albaabka u furtay xaaladii cakirneyd ee ahaa guddiyadii ay magacaabeen iyo shirkii ay ku baaqeen oo dhashay in Madaxweyne Farmaajo uu shalay iclaamiyo shir la isugu yimaado oo ka dhaca Dhuusamareeb.
Daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com