Wacaal Darey ah: Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegtay Hoteel Afriik

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Qarax Ismiidaamin ah oo lala beegtay Hoteel Afriik

Gaari laga soo buuxiyya waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka hore Hoteelka Afriik oo ku yaalla Wadada Aada Garoonka Diyaaraddaha Aadan Cadde ee

Timirta Puntland ma tahay mid dabooli karta baahida timireed ee dalka , qaybtii 4-aad (dhegayso)
Lix ruux oo ku geeriyooday fatahaaddii Wabiga ee Baladwayne
Guddiga Doorashada oo Booqday Xarumaha loo Qorsheeyay Doorashada Magaalada Beledweyne

Gaari laga soo buuxiyya waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka hore Hoteelka Afriik oo ku yaalla Wadada Aada Garoonka Diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Qaraxa kadib dablay hubaysan ayaa gudaha ugashay Hotelka.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lagusoo warinaya in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray goobta, waxaana ay bilaabeen in ay la dagaallamaan kooxda weerartay Hoteelka oo wali ka dagaalamaysa.

Hoteelka Afrik ayaa ku yaalla goob si weyn loo ilaaliyo ammankeeda, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga maqlaya rasaas xoog leh.

Daljir kala soco Faahfaahinta.

Diiwaanka wararka

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: