Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuriya

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuriya

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay magaalada Afrin ee waqooyiga Suuriya, sidaa waxa sheegtay wasaaradda difaaca Turkiga.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in qaraxa uu ka dhacay goob warshadeed oo ku taal bartamaha magaalada waxaana ku dhaawacmay 25 qof.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in dhimashadu ay tahay lix qof, iyaga oo soo xiganaysa ilo maxalli ah oo ka tirsan gobolka, waxayna intaa ku dartay in ugu yaraan 25 qof ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada, laakiin wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa ku eedaysay weerarkaasi dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG.

Afrin ayaa inta badan laga sifeeyay dagaalyahanada YPG sanadkii 2018-KII, kadib howlgalo militari oo ay ka fuliyeen Turkiga, Balse magaalada iyo qeybaha kale ee gobolka ayaa waxaa si joogta ah uga dhaca qaraxyo ceynkaan oo kale ah.

Ankara hadda waxay heysataa joogitaan militari oo aad u badan aaga, iyadoo geysay kumanaan ciidan ah Syria.

PKK, ayaa waxaa ay ku tilmaameen koox “argagixiso” ah Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyada oo tan iyo 1984-tii markii dagaalada kooxdaan bilowday ay ku dhinteen in ka badan 40,000-kun oo Qof.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com