Wacaal Darey ah: Muwaadiniinta mareykanka oo Iraq isaga soo baxay

Wacaal Darey ah: Muwaadiniinta mareykanka oo Iraq isaga soo baxay

Muwaadiniinta mareykanka ee u shaqeeya shirkadaha shisheeye ee soo saara shidaalka ayaa bilaaway in ay isaga baxaan Iraq ,kadib dilkii Taliyihii kooxda Quds ee Qassem Soleimani iyo hogaamiye ku xigeenkii maleeshiyada Iraq ee Abu Mahdi al-Muhandis. .

Safaaradda mareykanka ee Iraq ayaa dhammaan ku amartay muwaadiniinta Mareykanka in ay isaga baxaan Iraq, gaar ahaan kuwa u shaqeeya shirkadaha shidaalka ee ku yaala magaalada Basra ee koofurta Iraq.

Dowladda Iraq ayaa sheegtay bixitaanka shaqaalaha Mareykanka in aysan saameyn ku yaalan doonin shirkadaha shidaalka ee dalka.

Dalka Iraq ayaa ah dalka labaad ee soo saara shidaalka ugu badan Adduunka.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com