Wacaal Darey ah: Baarlamaanka Puntland oo xasaanadii ka qaaday  Xildhibaan Dhoobo daareed

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Baarlamaanka Puntland oo xasaanadii ka qaaday Xildhibaan Dhoobo daareed

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Xasaanadiii kala noqday Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo daareed oo ay mudanayaashu ay eedeen usoo Jeediyeen

Qormadaani waa Qalinka Cabdusalam Salwe (Akhri)
Baarlamaanka Hir-shabeelle oo ka laabtay mowshin ka dhan ah madaxwaynaha
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Culimada Ahlu Sunna iyo Gud. Dib u Heshiisiinta Galmudug. (Sawiro)

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Xasaanadiii kala noqday Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo daareed oo ay mudanayaashu ay eedeen usoo Jeediyeen .

Kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa maanta waxaa soo xaadiray 41 Mudane, waxaana 40 ka mid ah xildhibaanada ay u gacantaageen In Xasaanadii Xildhibaanimo lagala noqdo Dhoobo daareed.

Xildhibaannada mooshinka ka keeney Cabdi xakiin Doobo-daareed ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in uu ka xad gudbay Dastuurka iyo Soohdimaha Maamulka Puntland.

Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo xil ka guddoomiyenimo laga qaaday 7 bishii hore ee November ayaa tan iyo markaasi ka maqnaa kulamada baarlamaanka iyo guud ahaan magaalada Garoowe.

Sidoo kale wuxuu haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Dhoobo daareed

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    TAASI WAA FARIIN KU SOCOTA CID KASTA POO AAN AHAYN BEESHA DHEXE EE P/LAND(MAX’UD SALEEBAAN).
    P/LAND WAA MAQAAYAD U SHIDAN MAX’UD SALEEBAAN CIDII SOO FARAGALISA SIDAY WAX U WADAANA WAY KA TAQALUSAYSAA SIDA DHOOBO OOKALE.KKKKKK

DISQUS: