Wacaal Darey ah: Ciidamo israsaaseen ku dhexmartay Bosaaso

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Ciidamo israsaaseen ku dhexmartay Bosaaso

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacmeen iska horimaad ku dhexmaray magaalada Bosaaso ciidamo ka amar qaara wasiirka maaliyada Puntland Xasan Shire

MAANHADAL: Khilaafka Madaxda Sare ee dalka & Xaalada oo cakiran (daawo)
MAANHADAL: Wadahadalada DFS iyo maamulka Soomaaliland (dhegayso )
Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Eheladda Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacmeen iska horimaad ku dhexmaray magaalada Bosaaso ciidamo ka amar qaara wasiirka maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal iyo ciidamada PSFta oo saldhigooda wayn uu ku yaalo dhanka bari ee magaalada Bosaaso.

dagaalka ayaa yimid kadib markii wasiirka iyo ciidamadii la socday ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar kaantarool oo utaalay ciiddamada PFSf loogana leexdo dhanka madaxtooyada Bosaaso.

goobtan ayaa inta badan gaadiika isticmaala wadada gasha xarunta ciidamada PSFta waxa ay uga leexdaan waddo kale oo ku dhaw goobta ina aan lagaari ilinka hore ee xarunta.

ciidamada PSFta ee ilaalada ka ahaa goobta ayaa diiday in ay gudbaan ciidamada ilaalada u ahaa wasiirka maaliyada Puntland, waxaan lagu amray ciidamada wasiirka in ay maraan waddada kale ee gaadiidku isticmaalo.

Isku dhacan ayaa ku soo beegmay xili uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu ku suganaa madaxtooyada Bosaaso halkaas oo uu kula shirayay wasiiradii ka socda DFS ee shalay soo gaaray magaalada.

dhanka kale shalay askari katirsan ciidamada Daraawiiishta Puntland ayaa xarunta wasaarada Amniga waxaa ku dilay askari kale oo xerada ku sugnaa kaas oo matrkii dambe ay ciidamada gacanta ku soo dhgeen.

Ma aha markii ugu horaysay oo sidan oo kale ah ay ciidamo isku rasaaseeyaan gudaha magaalada Bosaaso, balse Jun 27, 2016kii ayay ahayd markii israsaaseen noocan oo kale ah oo dhexmartay taliyihii ciidamada Boooslika Puntland Cabdirisaaq Afgaduud iyo taliye kuxigeenkii ciidamada birmadka, iska horimaadkaas oo uuna ku dhaawacmay wasiirkii amniga ee xiligaasi Cabdi Cali Xirsi Cali Qarjab.

Ilaa iyo haatan majirto cid dowladda ka tirsan oo ka hadashay israsaaseentan dhexmartay labadan ciidan.

Diiwaabka warka.
Daljir Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: