Ciidamo dowladda ka tirsan oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

HomeWararka

Ciidamo dowladda ka tirsan oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay duleedka magaal

Ra’iisul Wasaare Rooble oo howlgeliyey Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal
Sahra Noor: Daryeelka hooyada, dhallaanka iyo caafimaadka guud (dhegayso)
Xildhibaanada Aqalka Sare oo ansixiyay xubnaha ku matalaya Guddiga Dastuurka

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxan ayaa Ciidamada lagula eegtay agagaarka Siinka Dheere, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku geeriyootay, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxan miino lala eegtay Ciidamada Booliska sida gaarka u tababaran.

Ciidamada Booliska gaarka u tababaran ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgal miino baaris ka waday wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo qaraxyo miino ay uga dhaceen.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii qarax miino lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Danab iyo askar la socotay oo qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: