Wararkii ugu dambeeyay iyo kulanka wasiirada DFS iyo Madaxweyne Deni (dhegayso)

Wararkii ugu dambeeyay iyo kulanka wasiirada DFS iyo Madaxweyne Deni (dhegayso)

Wafidigii wasiirada ahaa ee ka socday dowladda Soomaaliya kuna sugnaa magaalada Bosaaso saacadihii la soo dhaafay ayaa xalay iyo saaka waxa uu kulamo uga socdaa madaxtooyada Bosaaso.

wafdigan ayaa madaxweyne Deni waxa ay kala hadlayaan khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe iyo sidii loo xalin lahaa tabashada maamulka Puntland.

warar hoose oo ay helayso idaacada Daljir ayaa sheegaya i madaxeynaha iyo wafdiga wasiirada ah ay ka wada hadleen sidii madaxweyne Deni uu uga baaqan lahaa Caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Madaxeyne Deni ayaa horay usheegay in Puntland ay marwalba diyaar utahay in xal laga gaaro khilaafka ayna soo dhawaynayaan wixii wadahadal ah.

Majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland, waxaan lafilayaa in wasiiradan ay maanta dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

Hadaba dadweynaha Puntland oo ka qayb qaadanayay barnaamijka Muuqaalka Bulshada ayaa sheegay in labada dhinacba ay isku tanaasulaan.


Diiwaanka warka.
Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com