Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Eheladda Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Eheladda Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil

Madaxda sare ee Maamulka somaliland ayaa tacsi u diray eheladda xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil oo Ku geeriyooday hargeysa.

Qoraal kaso baxay Xafiiska Madaxweynaha somaliland Muuse bixii ayaa u dhignaa sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 13/01/2019, Magaalada Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka, wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyada Axmed Xaashi Cabdi oo uu aabbihii ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mida tiirarkii lagu aas-aasay golaha guurtida Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo halgamadii kala danbeeyey ee loo soo maray dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com