Wacaal daray ah: Maraykanka oo shaaciyeey in la maleegayo weraaro Alshabaab ku qaadan Nairobi

HomeWararka

Wacaal daray ah: Maraykanka oo shaaciyeey in la maleegayo weraaro Alshabaab ku qaadan Nairobi

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaacisay xog ay heleen sirdoonkooda, taasi oo ah in la maleegayo weeraro a

Wacaal Darey ah: Kiiskii Caasho Ilyaas oo la soo gaba gabeeyay iyo eedeesanayaashii oo dil lagu xukumay
Maamulka Degmadda Burtinle oo ka hadlay roob khasaare geeystay oo ka da’ay Burtinle iyo degaanada hoosyimada (dhegayso)
Kheyre oo booqday ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxyadii Awdheegle

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaacisay xog ay heleen sirdoonkooda, taasi oo ah in la maleegayo weeraro argagaixiso ay ka dhacaan Guud ahaan dalkaasi Kenya Gaar ahaan Magaalada Nairobi.

Safaarada ayaa muwaadininta u dhashay Mareykanka iyo ajaanibta reer galbeedka ah ugu digtay weerarada ay ku tilmaameen argagaixisada, waxa ayna digniintoodaasi ku sheegeen in weeraradaasi laga yaabo in lagu qaado goobaha dadweynaha isugu yimaadaan si khasaaraha uu u siyaado.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay suurtagal tahay in weerarada argagaixiso lala beegsado Hoteelada, Maqaaxiyada, Suuqyadawaaweyn iyo xarumaha dowladda.

Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa lagu dhaliilaa in aysan dhag jalaq u siin digniinahaan oo kale oo ay reer Galbeedka kasoo saaraan khataraha amni ee suurtagalka ah ee dalkaasi Kenya.

Halkan ka akhriso Warbixinta

https://ke.usembassy.gov/security-alert-u-s-embassy-nairobi-february-27-2020/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: