Kheyre oo booqday ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxyadii Awdheegle

Kheyre oo booqday  ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxyadii Awdheegle

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo shalay ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Awdheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka xog wareystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.

Askarta isbitaalka ku jira oo qaba dhaawacyo fudud ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxa ayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay si dhaqsa ah dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan xoreynta dalka oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa ciidanka dhaawcyada qaba Alle uga rajeeyay in ay si dhaqsa ah u bogsoodaan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka ku sugan uga mahadceliyay dadaalkooda nafhurnimada iyo dagaalka ay kula jiraan cadawga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com