Wabiga shabeele oo markale fatahaad sameyeey

HomeWararka

Wabiga shabeele oo markale fatahaad sameyeey

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu ka fatahay deegaano ka tirsan degmad

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Khudbaddii Madaxwaynaha Puntland ee Munaasabadda Ciidul Adxaa (dhegayso)

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu ka fatahay deegaano ka tirsan degmada Jowhar.

Wabiga ayaa ka fatahay deegaano ka xiga Koofur Bari magaalada Jowhar oo ay ka mid tahay deegaanka Bayaxow iyo Boodaale.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Maamulka Hr-Shabeelle Xildhibaan Maxamded Cumar Ceeymooy ku baaqay dadka degan Wabiga Jiinkiisa inay ka feejignaadaan fatahaada Wabiga, isaga oo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu ku dadaali doono in uu ka hortago fatahaada.

Fatahaada wabiga Shabelle ee deegaanada Boodaale iyo Bayaxow ayaa sababtay in ay ku baaba’aan dhul beereed ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan,

Wabiga Shabeelle ayaa hore fatahaad uga sameeyay deegaanka Baarey iyadoo markii dambe lagu guuleystey in la xiro buqda Baareey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0