Daalibaan oo ku dhawaaqay in colaadii Afghanistan ay dhamaatay

HomeWararka

Daalibaan oo ku dhawaaqay in colaadii Afghanistan ay dhamaatay

Kooxda Taalibaan ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii Afghanistan uu dhammaaday kaddib markii ay la wareegtay xarunta madaxtooyada ee Kabul, Madaxweynahii

RW Khayre oo soo bandhigay xalka khilaafka Galmudug
Muxuu ka dhashaa Cudurka Gaaska iyo Bacteria-da H. Pylori?
Khayre Ka Qayb Galay Munaasabadda Daah-furka Horumarinta Dhaqaalaha Gobalada Dalka

Kooxda Taalibaan ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii Afghanistan uu dhammaaday kaddib markii ay la wareegtay xarunta madaxtooyada ee Kabul, Madaxweynahii dalkana uu baxsaday.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalkiisa ka qaxay Axaddii, markii Taaliban ay soo galeen caasimadda, iyadoo aysan jirin cid iska caabbisay, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado ‘dhiig daata’, halka boqolaal reer Afghanistan ah ay quus ka joogaan inay ka baxaan garoonka diyaaradaha ee Kabul.

“Maanta waa maalin ku weyn shacabka Afghanistan iyo mujaahidiinta. Waxay goobjoog u ahaayeen miraha dadaalkooda iyo naftooda oo ay u hureen 20 sano,” ayuu yiri Mohammad Naciim, afhayeenka xafiiska siyaasadda ee Taalibaan u sheegay TV -ga Al Jazeera.

“Illaahay baa mahad leh, dagaalku waa ka dhammaaday dalkan”. ayuu sheegay Naciim.

“Waxaan gaarnay wixii aan raadinaynay oo ahaa xorriyadda dalkeenna iyo madaxbannaanida dadkeenna. Ma oggolaan doonno in dad kale ay dhulkeenna u adeegsadaan goob dagaal, ayn ku beegsado dad kale, inaguna ma doonayno inaan dadka kale waxyeello u geysanno.” ayuu sii raaciyay.

Taalibaan waxay ku qaadatay inay gebi ahaabna qabsato Afghanistan muddo ka yar laba todobaad, iyadoo ugu dambeybtiina ay shalay gacantooda soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Ciidamada Afghanstan, oo sanado badan tababarro la qaadanayay kuwa Mareykanka iyo kuwa kale, heystana saanad military, ayna ku baxday balaayiin doolar ayaa kala si fudud u kala daatay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: