RW Khayre oo soo bandhigay xalka khilaafka Galmudug

Raysal Wasaaraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu xalka khilaafka maamulka Galmudug uu ku jiro isu tanaasul iyo dadka reer Dhuusomareeb oo walaalahooda kalle u fidaya gogol, una muujiya inay magaalada Dhuusomareeb noqoto magaalo loo simanyahay oo Galmudug caasimad u noqon karta.

Khayre ayaa xusay inaan la isku haysan caasimadda Galmudug, balse kaliya uu yahay in magaalo madaxda Galmudug ay u ekaato qaab caasimadeed.

“La iskuma heysto in Dhuusamareeb ay tahay magaalo madaxda Galmudug, waxaa la isku heystaa ma laga shaqeynsiin karaa, taasaa idinka la idinka rabaa, dad soomaaliyeed oo walaalihiina mustaqbalkooda uu ku xiran yahay idinka sida wax u ogolaatiin,  idinka sida isugu tanaasushiin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com