RW Rooble oo u safray dalka Masar

HomeWararka

RW Rooble oo u safray dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira oo ah Caa

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Culimada Dawladda Deeganka Soomalida ayaa yeeshay kulan dood wadaag
MAANHADAL: Wakhtiga Kalfadhiga kalfadhiga 50AAD ee Baarlamaanka Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira oo ah Caasimadda dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Masar Cabdulfataax Alsiisi, isaga oo kulan la qaadan doono Madaxda dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar & jaaliyadda Soomaliyeed inta uu joogo Magaalada Qaahira.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee dalka waxaa uu bilaabay soo celinta xiriirkii Soomaaliya ay la leheyd dalalka qaar oo xumaada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: