Khudbaddii Madaxwaynaha Puntland ee Munaasabadda Ciidul Adxaa (dhegayso)

HomeWararka

Khudbaddii Madaxwaynaha Puntland ee Munaasabadda Ciidul Adxaa (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii 21 August 2018 la tukaday salaadii ciidul Adxaa shacabka ku dh

Xiisad Ka Taagan Deegaanka Jibaganle ee Duleedka Garoowe (dhegayso)
Axmed Madoobe oo ka jawaabay xisaabcelinta DFS ay ka dalbatay maamulada (dhegayso)
Abwaan Mursal Caynte oo aan waraysi Xiso Badan Kula yeeshay Laascanood

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii 21 August 2018 la tukaday salaadii ciidul Adxaa shacabka ku dhaqan caasimada Dowladda Puntland ee Magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, saraakiisha ciidamad kalle duwan, xildhibaano iyo golaha wasiirada iyo shacabka magaalada Garoowe ayaa ka qaybgalay munaasabaddii Ciidda oo kadhacday garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare Studium ee Garoowe.

Madaxwaynaha oo shacabka la hadlay ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka Puntland.

“ Ciid wanaagsan waxaan ku farax-sanahay in aan maanta iskugu nimaano munaasabadda Ciidul adxaa, waxaan ilahay uga rajaynayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland meel kasta oo ay joogaan in ay ku ciidaan amni, wadajir iyo midnimo, waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidamada Puntland meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo ilaalinaya sugayana nabadgalyada gudaha iyo dibadda labadaba, waan ku bogaadinayaa difaaca qaran ayaga iyo qoysaskoodaba , Illaahay waxaan ka rajaynayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaar siiyo nabadgalyo iyo amni , waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa gudoomiye xigeenka aqalka sare e DFS waxaan leeyahay ku soo dhawoow dalkaaga, waxaa aad looga hadlay amniga waxaan leeyahay Puntland waa amni inkastoo beryahaan dambe cadow iskaashaday oo ka imaanayey dariskeena, shabaab iyo daacish, waxaan leeyahay oo aan cadowga u sheegayaa, shacabka Puntland waa ku filan yihiin in ay iska difaacaan cadowgooda, waan ognahay oo xidhiidh baa ka dhexeeya shabaab iyo dariskeena caqliga saliimka ah ayaa inoo sheegaya in shabaab iyo daacish ay dadka qaarna laayaan qaarna xagtin aysan gaarsiin, waxa ugu daran oo aad ka baqdaa waa baqdinta lafteeda, waxaa la idinka doonayaa in aad iska difaacdaan cadowga oo aydaan dheg jalaq u siin, waan ka adkaananaa wakhtigoodiina waa gabaabsi, waxaa moodaa in dhibtoodii sii dhammaanayso, waana marka ay ugu shido badan yihiin, waxaan idinku bogaadinaya in aad la shaqaysaan ciidanka Amniga, wqaxaan idiin rajaynayaa in aad amni ku noolataan ciidaan ciideeda kalena barwaaqo ku gaartaan, Ciid Wanaagsan”.

 Hoos kadhegayso

Ugu Danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey Shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan barwaaqo, wadajir, midnimo iyo amni waara.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: