Villa Soomaaliya oo beenisay in Madaxweyne Xasan Sheekh tagay Israel

HomeWararka

Villa Soomaaliya oo beenisay in Madaxweyne Xasan Sheekh tagay Israel

Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay shalay afhyeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabadikariin Cali kaar ayuu ku beeniyay warar maalmihii laso

Shir weynihii Dhalinyaradda oo Muqdisho lagu soo Gabagabeyaay (Akhriso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Alshabaab oo soo bandhigay hub ay DFS ka qabsadeen sanad kahor (Sawiro)

Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay shalay afhyeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabadikariin Cali kaar ayuu ku beeniyay warar maalmihii lasoo dhaafay soo shaac baxay oo ku aadanaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tagay Israel.

Afhayeenka ayaa gabi ahaanba uu beeniyay , wararka, Wuxuu sheegay in madaxweynuhu aanu tagin Israel,maadama Soomaaliya iyo Israel aanu ka dhaxeynin xiriir diblomaasiyadeed.

Waxaa uu sheegay in booqashada Madaxweynaha ay ku egeyd dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.

Hadal hayntaan ayaana timid kadib markii qaaar ka mid ah waftigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay karantiil lagu galiyay Imaaraadka Carabta .

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa Axaddii la soo dhaafay u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta. Booqashada Mudane Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba cisho, balse muddo ka badan intii la qorsheyay ayuu maqnaa waana arrinta dhalisay hadal haynta baraha bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: