Kooxo hubeysan ayaa labo qof oo isku qoys ah ku dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa labo qof oo isku qoys ah ku dilay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay fiidkii qeybo kamid ah degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho loogu geystay laba qof oo Shacab ah, iyadoo dilkooda loo adeegsaday bistoolad, sida laamaha amaanka laga helayo.

Ciidamo boolis ah uu horkacayay taliyaha saldhigga booliska degmadaasi ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay baaritaano, inkastoo aysan ku guuleysan iney gacanta kusoo dhigaan ragii dilka geystay.

Meydadka labada marxuum ee isku qoyska ahaa ayaa la filayaa in maanta la aaso, waxaana jira shaki salka ku hayo in dilkooda uu salka ku hayo arrimo la xiriira dhul oo ay inta badan shaqadooda eheyd marxuumiinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com