Ururka Al-Shabaab garabkiisa loo yaqaano Alkataa’ib ayaa soo bandhigay muuqaal laga diyaariyay weerarkii bishii Agoosti sanadkii hore(2017) lagu qaaday Saldhig ciidamada xoogga dalka ku lahaayrrn deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidamada dowladda lagu qaaday sanadkii hore ayaa looga qabsaday hub fara badan.

Muuqaalka ay soo bandhigtay Al-Shabaab oo soconayay illaa 34 daqiiqo ayaa ka muuqanayay gaadiidka dagaalka ciidamada ee Cabdibilr ,gaari ambulance oo kuwa ciidamada ah,gaadiidka xamuulka iyo saanado hub ah.

Al-Shabaab ayaa weerarkii Bariire ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxaynayay nin naftii hure ahaa kaasoo gaariga ku qarxiyay afaafka hore ee xerada.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *