UNHCR oo sheegtay in qaxooti badan ay galeen dalka Soomaaliya

UNHCR oo sheegtay in qaxooti badan ay galeen dalka Soomaaliya

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in qaxooti ka badan labaatan iyo afar kun ay nabad galyo u raadsadeen dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay UNHCR ayay ku sheegtay in qaxootigan ay ka tageen wadamada Ethiopia,Syria Iyo Yemen .

UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in qaxootigan ay Kusugan yihiin gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in lixdii sano ee la soo dhaafay ay dib ugu laabteen dalka Soomaaliya in ku dhow boqol kun oo qaxooti ah kuwaasi oo hore ugaga cararay dagaalada sokeeye ee dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com