Beesha Caalamka oo DFS ugu baaqday in ay raadiso dowlad Goboleedyada lana gaaro doorasho wadar ogol ah (Akhriso)

Beesha Caalamka oo DFS  ugu baaqday in ay raadiso dowlad Goboleedyada lana gaaro doorasho wadar ogol ah  (Akhriso)

Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ayaa xalay yeeshay kulan dhanka telaafanka ka dib dadaallo ay waday maalmihii lasoo dhaafay beesha Caalamka oo ku aadana khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka aya waxaa ka qeyb galay Madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyadoo diirada lagu saaray sidii dalka ay uga dhici laheyd doorsho lagu wada qanacsan yahay.

Wakiilada Beesha Caalamka si kala gaar ah labadii maalmood ee la soo dhaafay shirar dhanka Muuqaalka ay la yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada kaasoo looga hadlayay is mari waaga ka taagan doorashooyinka iyo sida xal looga gaari karo.

Shirka dhanka taleefanka ee xalay dhex maray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee shanta ah ayaa waxay kaga hadleen sidii la isku soo dhowaan lahaa, caqabadaha ka taagan doorashada loo xallin lahaa.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii shir la isugu imaan lahaa, si loo xaliyo is mari waaga taagan, waxaana muuqata in dowladda Federaalka ay wajaheyso cadaadis uga imaanaya Beesha Caalamka oo ay u dambeysay baaqii Safiirka UK u qaabilsan UN-ka oo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda u sheegtay in waqtiga gabagabo yahay in la bilaabo doorashada, waxaana ay ugu baaqday in dowladda Federaalka ay raadiso dowlad Goboleedyada lana gaaro doorasho wadar ogol ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com