Guddiga Farsamo ee Arrimaha doorashooyinka & Xisbiyada oo kulan ku yeeshay Muqdisho

HomeWararka

Guddiga Farsamo ee Arrimaha doorashooyinka & Xisbiyada oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Shir looga hadlayo Doorashada Soomaaliya iyo Hanaanka looga guuri karo doorashadii 2016-kii ka dhacday dalka ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde ee

Ergooyin ka qayb galaya Shirka dib u heshiinta oo dhuusamareb gaaray
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Degmada Afmadow.

Shir looga hadlayo Doorashada Soomaaliya iyo Hanaanka looga guuri karo doorashadii 2016-kii ka dhacday dalka ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah talo wadaag iyo su’aalo waydiin toos u dhexmaraysa mas’uuliyiin katirsan Xisbiyada kajira dalka iyo Guddiga Farsamada ee Ka Baaraandeggidda Tallooyinka, Hanaanka & Habsami u socodka Doorashooyinka Dalka,waxaa doodaga dhinacyadaasi ay kusaleysan Doorasho Nooce ah ayaa ku habboon in laga hirgeliyo dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u ansaxiyay Doorasho Qof iyo Cod balse waxaa markiiba uu sharcigaasi soo wajahay soo dhoweyn la’aan baaxad leh oo la xiriirta suurtagalinta daruufaha amniga ee ku xeeran ee waqtiga iyo sida ay u qabsoomi karto.

Shirar wadatashi oo ku aadan isla qaadashada doorasho lo odhanyahay ayaa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee Galmudug iyadoo wejigii sadexaad ee shirka wadatashiga Doorashada Soomaaliya loo ballansan yahay 15-ka bishan August oo ku beegan maalinta sabtida ee nasoo aadan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: