Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Degmada Afmadow.

HomeWararka

Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Degmada Afmadow.

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ku billaawday waxaa saaka aroortii hore ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin de

Shirkii Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo la soo Xiray (dhegayso)
Mukhtar Cali Adan oo loo doortay Madaxweynaha Awdal State, haatana ciidan ku ururinaya buuraha Awdal
Khudbada Musharax Madaxweyne Axmed madoobe oo dhamaystiran

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ku billaawday waxaa saaka aroortii hore ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolk Shabeellaha Hoose.

Weerar kadib waxaa xigay dagaal toos oo dhexmaray Ciidamada dowladda ee Saldhiga ku sugan iyo Al-Shabaab, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil katirsan Ciidamada ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaanka Sabiid oo 8km u jira degmada Afgooye wallow aysan jirin warar Madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0