Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Kulanka Maanta uu jiro kana soo qeyb galaan, iyada oo Ajandayaasha ay Kulanka Maanta ay kala yihiin:

1. Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaal iyo Jinsiyadaha

2. Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.

3. Qeybinta Hidise Sharciyeedyada Akhrinta 1aad ee kala ah

A) Hindise Sharciyeedka Dhowrita maalgashadayaasha iyo maalgashiga.

B) Hindise Shaeciyeedka Lagaalanka Argagixisada.

T) Hindise Sharciyeedka Socdaalka.

J) Hindise sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

X) Hindise Sharciyeedka Horumarinta Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ansixiyeen Hindise sharciyeedyada kala ah Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Biyaha iyo Korontada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com