Ergooyin ka qayb galaya Shirka dib u heshiinta oo dhuusamareb gaaray

Ergooyin ka qayb galaya Shirka dib u heshiinta oo dhuusamareb gaaray

Magalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug waxaa manta gaaray inta badan ergooyinka beelaha ee ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaas oo la filayo in Maalinta Berrito ah uu furmo.

Ergooyinkaan oo ka kala yimid degmooyin iyo deegaanoo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay xubno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Guddiga shirka dib u heshiisiinta.

Sidoo kale isla Xubnaha ayaa Maanta waxa la dejiyay Xarumihii loogu talo galay si Maalinta Berito ah uu u furmo Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirka Dhuusamareeb C/raxmaan Baadiyow ayaa sheegay in ay soo gaartay dhamaan liiska Ergooyinka ka qa qeyb gakeysa Shirka,isla markaana dhankooda ay diyaariyeen waxyaabihii u baahnaayeen.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug ayaa horay u sheegay inaysan shirkaasi ka qeyb galeyn,hayeeshee aan weli la ogeyn inay ka dhabeen doonaan iyo in kale,waxaana weli guddiga aysan soo bandhigin inay jiraan beelo diiday ka qyeb galka Shirkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com