Turkiga oo tuhusan in Jamaal Khashoggi lagu dhex jarjaray qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul (maqal/muuqaal)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Turkiga oo tuhusan in Jamaal Khashoggi lagu dhex jarjaray qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul (maqal/muuqaal)

Jamaal Khashoggi oo ay ugu war danbaysay maalin Talaado 1:00 PM saacadda Istanbuul, 2 Aktoobar 2018, kaddib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee

DAY #4 OF ETHIOPIA’S IMMINENT INVASION OF SOMALIA AND CHINA REMAINS MUM
Somalia’s external debt of $2.8 billion doubled in 2018 without new loans. Why?
Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, amnidarrada Bossaso iyo dayaca ciidamada ammaanka ee dilkii Paul Farmosa (dhegayso)

Jamaal Khashoggi oo ay ugu war danbaysay maalin Talaado 1:00 PM saacadda Istanbuul, 2 Aktoobar 2018, kaddib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, asaga oo ka doontay dukmentiyo nikaax xaas cusub iyo furriin mid hore ayaa waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Jamaal lagu dhex dilay, deedna jirkiisa ay jarjareen 15 nin oo isugu jira ciidamada ilaalada Amiir Maxamed bin Salmaan, kuwa sirdoonka, iyo hal dhakhtar oo ku takhasusay jirka, hawlboowlayaasha, iyo raadinta raadka danbiyada culus, magaciisana lagu sheegay Dr. Salah Muhammed Al-Tubaigy.

Hoo ka dhegayso warbixinta Radio Daljir

Ama hoos ka daawo warbixinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: