Shabakad ka shaqaysa dhaqidda doolarka Mareykanka oo lagu xiray garoonka Muqdisho

Shabakad ka shaqaysa dhaqidda doolarka Mareykanka oo lagu xiray garoonka Muqdisho

Ciidamada NISA ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa ka xiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Muqdisho laba ruux oo lagu eedeeyey inay ka mid ahaayeen shabakad dhaqda lacagta doolarka.

Barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay inay ciidamadu ku raad joogaan kooxo kalle oo xiriir la leh.

Ciidamada NISA ayaa sheegay mudane katirsan baarlamaanka Soomaaliya inuu labadan qof usoo fududeeyey garoonka Aadan Cadde, ayna u gudbinayaan hay’adaha ku shaqada gal dacwadeedkiisa si wax looga waydiiyo falkan.

 

Lacagta la dhaqo oo ah mid loo ekaysiiyo doolarka Mareykanka, dadkana lagu dhaco ayaa horay waxaa sharci lagu mamnuucayo, dambina looga dhigayo usoo saaray madaxwaynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com