Toogasho kadhacday Mareykanka oo dhowr iyo labaatan qof lagu dilay

HomeWararka

Toogasho kadhacday Mareykanka oo dhowr iyo labaatan qof lagu dilay

Nin hubaysan ayaa weearr ka gaystay goob laga dukaamaysto oo ku taala deegaanka El Paso ee gobolka Texas Mareykanka, iyadoona ay ku geeriyoodeen weera

Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Beesha Caalamka oo ku baaqday in si Nabdoon loo dhameystiro doorashada Guddoonka Baarlamaanka
MARTISOOR – TAXANAHA 6aad ee CAASHA GEELLE: Muxuu noqon doonaa Mustaqbalka Garoonka Cawaale Kadib Wareejintii maduuliyadiisa ee Gudiga dhisay (daawo)

Nin hubaysan ayaa weearr ka gaystay goob laga dukaamaysto oo ku taala deegaanka El Paso ee gobolka Texas Mareykanka, iyadoona ay ku geeriyoodeen weerarkan ku dhowaad labaatan qof, lix iyo labaatan qof oo kalle ayaana ku dhaawacmay weerarkan.

 

Masuuliyiinta ayaa xaqiijiyay 21-jir kasoo jeeda deegaanka Allen ee Texas in loo hayo weerarkan, isagoo la dhigay xabsiga, waxaana warbaahinta Mareykanka ay sheegeen magaciisa Patrick Crusius.

Masuuliyiinta ayaa sheegaya inay baarayaan in weerarka uu la xiriiro cunsuriyad ka dhan ah dadka soo galootiga ee Mareykanka,

Isagoo wariyeyaasha la hadlaya ayuu guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay “Nafkasta oo maanta nool way tagaysaa, labaatan qof oo aan waxba galabsan oo kasoo jeeda El Paso ayaa ku nafwaayay , inka badan labaatameeyo ayaa dhaawac ah”

Madaxwaynaha Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay sadex Mexican ah in lagu dilay toogashada, wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico ayaa isaguna sheegay lix qof in lagu dhaawacay.

El Paso ayaa ku taala galbeedka Texas, waxaana ku nool dad gaaraya 680 kun oo qof, waxaana ay dhacdaa xadka Mareykanka iyo Mexico.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: