Tirada dadka laga helay Coronavirus ee Soomaaliland oo korortay

HomeWararka

Tirada dadka laga helay Coronavirus ee Soomaaliland oo korortay

Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah shaacisay kiisas horleh oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda iyo Saddex Ruux oo Cudurkaas u dhin

Ciidamadda Amniga Muqdisho oo soo gabagabeyaay Weraarkii Wasaaradda Amniga
Wasaaradda kaluumaysiga Puntland oo xalisay khilaafkii kaluumaystada iyo dowladda
Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)

Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah shaacisay kiisas horleh oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda iyo Saddex Ruux oo Cudurkaas u dhintay.

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Soomaaliland ayaa shaacisay in la baaray 110 qof oo looga shakisnaa Cudurka COVID-19 balse Cudurka laga helay 37 Ruux.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in dadka Cudurka laga helay oo kala ah 21 rag ah iyo 16 Ruux oo dumar ah ay dhamaantood ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa,isla markaana ay yihiin kuwo aan waligood ka bixin Soomaaliland.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in Saddex Ruux oo qabay Cudurka ay ugu dhinteen Magaalada Hargeysa,waxaana ay noqonayaan dadka Soomaaliland ugu dhinta COVID-19 14 Ruux.

Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland waxaa ay yihiin 168 qof 14 qof ay u dhinteen halka ay ka bogsadeen 18 Ruux.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0