Jen. Cali Gaab oo ka badbaaday Qarax miino loo dhigay gaari uu la socday

Jen. Cali Gaab oo ka badbaaday Qarax miino loo dhigay gaari uu la socday

Waxaa saaka qarax xooggan oo ahaa Miino laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhacay xaafada Afisyooni ee degmada Waabari, waxaana qaraxa lala eegtay gaari uu la socday Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka tirsan Hoggaanka Ciidanka Booliska.

Sida wararku sheegayaan Jen. Cali Gaab ayaa ka badbaaday qaraxa, waxaana gaarigiisa soo gaaray burbur.

Labo qof oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay qaraxa saaka ka dhacay degmada Waabari.

Jen. Cali Gaab ayaa ah Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, todobaadkii hore ayaa sidan oo kale qarax lala eegtay gaarigiisa, balse lama uusan socon xilligaas, waxaana ku dhaawacmay saddex ka tirsan Ilaaladiisa.

Qaraxyada miino ee la dhigo wadada dhinaceeda ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo kordhayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay saraakiil ciidan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com