C/raxmaan Odawaa oo noqonaya Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran

Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee ugu miisaanka culus.

C/raxmaan Odawaa ayaa sidoo kale waxaa uu si toos u noqonayaa Xoghayaha Guud Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ayna ku mideysan yihiin illaa lix Xisbi.

Saami qeybsiga ay Madasha Xisbiyada Qaran ku dhisan tahay ayaa ah in lixda xisbi ee ku mideysan madasha ay xilal ku leeyihiin, Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa waxay Madasha ku leedahay booska Xoghayaha Guud.

Xilka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UPD iyo kan Madasha Xisbiyada ayaa waxaa horay u hayay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Amniga Galmudug..

Xildhibaan C/raxmaan Odawaa ayaa xilkan qabanaya xilli xasaasi ah oo dalku u socdo doorasho aan la ogeyn qaabka ay noqoneyso iyo xilliga ay dhici doonto, waxaa lagu tilmaamaa siyaasi degan, qunyar socod ah, cod kar ah, kana mid ah Jilayaasha siyaasadda xilligan ee mustaqbalka leh, waxaa lagu xusuustaa doorar kala duwan oo siyaasadaha dalka uu ka soo qaatay sida dowladdii hore iyo xilligan oo uu ka mid yahay mucaaradka ugu firfircoon ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com