Taliyihii laanta socdaalka gobolka Mudug ee Puntland Cismaan Farey oo saaka la aasay kadib markii xalay lagu dilay Galkacyo.

HomeWararka

Taliyihii laanta socdaalka gobolka Mudug ee Puntland Cismaan Farey oo saaka la aasay kadib markii xalay lagu dilay Galkacyo.

Alle ha u naxariistee waxaa saaka qabuuraha magaalada Galkacyo lagu asaruuray taliyihii laanta socdaalka gobolka Mudug ee Puntland Cismaan Xaaji Xusee

Madaxweynaha Jubaland oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare
Warka Caweysin iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
QM oo eedeyn Culus u jeedisay DFS

Alle ha u naxariistee waxaa saaka qabuuraha magaalada Galkacyo lagu asaruuray taliyihii laanta socdaalka gobolka Mudug ee Puntland Cismaan Xaaji Xuseen ‘Cismaan Farey’ kadib markii xalay fiidkii ay dileen rag baskoolado ku hubaysanaa xilli uu ka soo baxay masaajidka HUDDA oo uu ku tukaday salaaddii cishaha.

Aaska masuulkaasi, waxaa ka qaybgalay madax dawladda Puntland ah oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, guddoomiyaha gobolka Axmed Muuse Nuur, maamulka degmada, masuuliyiin kale oo dawli ah iyo qaybo kale oo bulshada ah.

Weerarka lagu dilay sarkaalkaasi ka hawlgeli jiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo ee Cabdillaahi Yuusuf Airport, ayaa dhacay xilli fiid horaad ah, saxmadda iyo socdka bulshaduna uu badnaa, waxaana isla markiiba goobta ka baxsaday raggii falkaasi dilka ah fuliyey, Daljir na illaa hadda looma sheegin cid laamaha bilaysku u qabteen dhacdadaasi dil.

Waa weerarkii saddexaad oo lagu bartilmaameedsado masuul ka tirsan hay’adaha dawladda Puntland oo dhaca saddexdii asbuuc ee ugu dambeeyey, kana dhacaya magaalada Galkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir, ayaa sheegay mashaakilka amni ee Galkacyo haysta in uu yahay mid ku xiran xal-u-helka amniga guud ee dalka Soomaaliya oo dhan, inta taasi maqantahayna ay jiri doonaan falalka weerar ee Alshabaab sida uu tilmaamay.

Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaa uu xusay fadhiga ugu weyn ee Alshabaab in uu yahay koonfurta Soomaaliya, fadhiyadaasina ay yihiin kuwa laga soo maleego weerarada qorshaysan ee Alshaab, amniga gobolka Mudug, siiba kan magaalada Galkacyo oo xal loo helana ay ka horrayso hal-u-helka rugaha madaxeed ee Alshabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo guddoomiyaha wareystay, ayaa marka hore waydiiyey sida weerarkaasi u dhacay iyo wax-ka-qabashada xagga maamulka.


Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: