Taliyihi hore ciidamadda Daraawishta Puntland oo geeriyooday & Madaxweyne Deni oo ka hadlay

Taliyihi hore ciidamadda Daraawishta Puntland oo geeriyooday & Madaxweyne Deni oo ka hadlay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida .

Sareeye Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle “SWC” uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com