Shaqaalaha DFS oo la fasaxay

HomeWararka

Shaqaalaha DFS oo la fasaxay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqday inay dhamaan fasaxday Shaqaalaheeda laga bilaabo 27 Bishaan sababo la xiriira xuska 26

Shaqaaqo Caabudwaaq oo dad ku dhinteen (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay Nin aabbihiis Dil u geystay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqday inay dhamaan fasaxday Shaqaalaheeda laga bilaabo 27 Bishaan sababo la xiriira xuska 26 June oo ku beegan Xorriyadii Gobolada Waqooyi ee sanadkii 1960-kii.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la ogeeysiiyay Shaqaalaha Dowladda iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay inay fasax yihiin.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargelineysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay Shaqaalahooda in ay tahay maalin fasax ah maalinta Sabtida ee ku aaddan 27 June 2020, maaddama ay ku beegantahay maalinta ka horreysa ee Jimcaha xuska qaran ee 26ka June , xorriyaddii Gobolladda Waqooyi ee sannadkii 1960.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ay fasaxdaa Shaqaalaheeda kala duwan maalmaha ay jiraan munaasabadaha waaweyn oo ay Ciida kamid tahay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: