Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay $55 milyan lagu kabo Miisaaniyadda

Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay $55 milyan lagu kabo Miisaaniyadda

Bangiga Adduunka ayaa meel mariyay in la siiyo Soomaaliya lacag dhan $55 milyan oo dollar, kaasoo loogu tala galay kabka miisaaniyadda, xilligan adag oo Caalamka oo dhan saameyn ku yeeshay Cudurka Covid19.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay aad uga faraxsan yihiin tallaabadan u qaaday Bangiga Adduunka, waxaana uu xusay inay ku timid habka wanaagsan ay ula shaqeeyaan Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka oo ugu horreeyo Bangiga Adduunka.

Mr Beyle ayaa sheegay in lacagtan ay ka dhaxeyso dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Xukuumadda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee u dambeeyay ku guuleystay hagaajinta hannaanka maamulka maaliyadda, waxaana ay ku muteysatay inay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com