Madaxweynaha DFS oo magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Lugta iyo Badda

HomeWararka

Madaxweynaha DFS oo magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Lugta iyo Badda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka iyo Taliyaha C

Baraarugga Haweenka – Taxanaha 47aad (Xaawo Axmed Maxamed (dhegayso)
MARTISOOR: Faadumo Qaasim Dayib iyo waayaheedi nolasha (dhegayso)
BOSAASO: Mustafe Cabdi Aadan 7 Sano ayuu la xanuunsanaya Cudurka Dhimirka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka iyo Taliyaha Ciidanka Badda, iyadoo labadii Taliye ee xilalkaas ahaa lakala wareejiyay.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda.

Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isagana hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.

Is bedeladan ayaa ku soo aaday xilli muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo uu ka harsan yahay 8 bilood, waxaana muddooyinkan la hadal hayay is bedelo lagu sameynayo Taliyeyaasha.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: