Taliyaha Militariga Somaliland oo ka hadlay dagaalka

HomeWararka

Taliyaha Militariga Somaliland oo ka hadlay dagaalka

Taliyaha Militariga Somaliland ayaa ka hadlay dagaalkii ka bilowday deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, waxaana uu sheegay dagaal

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Madaxweynaha kuma kalsoona miyaa Ra’iisul wasaarah, Maxaa Taliye Nabadsugid siyaasad geliyay….”
Waraysi: Dr. Xabeeb iyo maalinta Dhimirka Aduunka (dhegayso)
Dad ku dhintay Doon kula degtay Xeebaha dalka Syria

Taliyaha Militariga Somaliland ayaa ka hadlay dagaalkii ka bilowday deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, waxaana uu sheegay dagaalka inay soo qaadeen ciidamada Puntland.

“Waxa na soo weeraray ciidanka Puntland kuwaas oo naga soo weeraray jiida Hawdka, laba jeer ayaanay na soo weerareen oo subaxii mar ayey ahayd, kawdii iyo wixii ka dambeeyeyna weerar ayey nagu soo qaadeen, weerarkaas waa la celiyey, waxaana ka dhintay inta aanu ognahay sadex qof, waxaana ka dhaawacmay shan qof.”

Waxaa uu sheegay dhankooda inay guulo ka gaareen dagaalkaasi, khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Puntland ee weerarka kusoo qaaday, isagoo ka hadlayana waxaa uu yiri mar kalle.

“Dhimasho iyo dhaawacba waa jiraan dhan walba, waxaanan ka qabsanay lix baabuur oo midi taangi yahay, dhulkii ay joogeena anaga ayaa joogna oo ciidankeena ayaa ku sugan.”

Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana jirin ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya guulahaasi.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: