Haween lagu dhaawacay Bosaso (dhegayso)

Haween lagu dhaawacay Bosaso (dhegayso)

Askari katirsan booliska magaalada Bosaso ayaa dhaawac u gaystay afar ruux oo dumar oo ku sugnaa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari goob cunto loogu qaybinayay dad barakacayaal ah oo ka mid ah xaafadda kaam Ajuuraan ee duleedka Bari ee Bosaso .

 

Hooyo ka mid ah waalidiinta dhalay mid ka mid ah gabdhaha dhaawacmay ayaa u sheegtay radio Daljir in askariga uu rasaas furay kadib buuq kadhashay goob lagu qaybinayay raashiin oo ka mid ah xaafadda Kaamka Ajjuuraan ee Bosaso, iyadoona sheegtay haweenka mid ka mid ah inuu dhaawac kasoo gaaray xubinta taranka, gabadh dhaawac kasoo gaaray caloosha iyo gabadheeda oo gacanta ay waxyeeladu kasoo gaartay.

Dhamaan haweenkaasi ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Bosaso, waxaana xiran askarigii rasaasta furay isagoo si iskiis ah u tagay saldhiga booliska ee Bosaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com